(Daawo Sawirro) Dhimashada weeraradii Masjidyada New Zealand oo 49 gaartay

Khasaaraha Weeraro lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa aad u kordhay, iyadoo lagu dilay ugu yaraan 49 qof waxaana weerarkan argagax, carro iyo lama filaan ah uu ka abuuray dunida.

Mid ka mid ah kooxda weerarka fulisay oo la rumeysan yahay inuu yahay xagjir Australian ah ayaa si toos oo muuqaal ah uga baahiyey weerarka isagoo tooganaya dadka masajidada ku cibaadeysanayey.

Qofka weerarka gaystay oo loo malaynayo inuu Australia u dhashay ayaa sheegay inuu taageerayo afkaarta midigta fog iyo inuu ka soo horjeedo soo galootiga.

Afartan iyo sideed ruux oo dhaawac ah yaaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, kuwaasoo  ku dhaawacmay weerarradii masaajidda lagu qaaday.

David Meates oo ka mid ah masuuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay isugu jiraan carruur iyo qaangaar kuwaas oo qaba dhaawacyo rasaas.

Muuqaallo naxdin ah ayaa ka soo baxaya masaajidka dadka lagu laayay ee ku yaalla dalka New Zealand.

Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay in isaga oo ku tukanaya masaajidka Al Nuur uu maqlay rasaasta. Wuxuuna sheegay in uu arkay xaaskiisa oo dhulka jiifta oo mayd ah.

Nin kale ayaa sheegay in uu arkay carruur rasaas lala dhacay “Dhiig ayaana meel walba daadsanaa” ayuuna intaas ku sii daray.

Nin kale ayaa Idaacadda New Zealand u sheegay in uu maqlay rasaas uuna arkay afar ruux oo dhulka yaalla iyo “dhiig meelwalba daadsan”.

Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa cambaaraysay weerarka lagu qaaday labada masaajid oo ku yaalla dalkaas, iyadoo Dhibaatada loo gaystay dadka cibaadaysanaya ku tilmaantay mid ka mid ah taariikhda ugu madaw ee dalka Soo martay.

NINKA WEERARKA FULIYEY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -