Saddex sababood oo dhaliyey dabka ka kacay dalalka qaarada Yurub (Sawirro)

Dab xoog leh ayaa ka socda inta badan qaarada Yurub oo dhan, halkaasoo kuleylka uu sii xoojiyey wajiga dabkaasi

Dab damiska ayaa wali la tacaalaya dabka ka kacay Giriiga, Spain, iyo Talyaaniga Inkastoo uu heerkulku uu hoos u dhacay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Wararka ayaa sheegaya in dabka ka kacay Faransiiska, ee sida xun u halakeeyey koonfur-galbeed ee dalkaasi, ayaa la bilaabay in la xakameeyo.

Iyadoo kuleylka uu u jiheysanayo waqooyi-bari, ayaa heerka biyaha hooseeya wuxuu caqabad ku yahay gaadiidka wabiyada ee Jarmalka.

Sababaha kiciyey dabka kaymaha Yurub ka holcaya, ayaa waxaa kamid ah:  Heer kulka oo kordhay dunida 1.1C, Isbadalka cimilada iyo Isticmaalka bani’aadamka ee kaymaha oo batay

Dhanka kale, Ra’iisal wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa sheegay in in ka badan shan boqol oo qof ay ku dhinteen dalkiisa, sababo la xiriira heerkulka oo si weyn u kordhay.

Dhimashadan tirada badan, ayaa timid maalin kadib markii maamulka caafimaadka ee dalka Portugal ay soo sheegeen in in ka badan kun dhimasho oo dheeri ah, oo lala xiriirinayo kuleylka isla muddadaas. Heerkulka ayaa si degdeg ah u kordhay illaa iyo 40 degree.

- Advertisement -