Sidee Madaxda dunidu uga falcelisay weerarka ka dhacay dalka New Zealand?

Caro xoog leh iyo camnbaareyn ayaa ka dhalatay weerar nin hubeysan uu ku qaaday Labo Masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand kaasoo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, iyadoo weerarkan argagax iyo carro lama filaan ah uu ka abuuray dunida.

Madax fara badan oo caalamka ka tirsan ayaa si kulul uga hadlay weerarkan, iyadoo madaxweynaha Maraykanka Trump uu illaa aamusan yahay.

“Waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tiri ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeexday mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yiri “Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunida ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiiri-gelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaartay heer dil wadareed”

“Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa midda xiga doona musiibo kale” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa isna yiri “Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:”

“Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa isna yiri “War naxdin leh ayaa caawa kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tiri “Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo”

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yiri “Weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”.

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yiri “Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena”.

Malaysiaayaa sheegtay in labo muwaadin ay kaga dhaawac meen weerarka. Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso “weerarkan macno la’aanta ah ee argagixisadu ku qaaday dadka aan waxba galabsan ee shacabka ah, ayna rajaynayso in sharciga la hor keeno dadkii falkaas foosha xun ka dambeeyay”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -