Madaxweyne Xaaf oo xirtay dareeska Milatariga kuna dhawaaqay dagaal (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa maanta isaga oo xiran dareeska ciidanka Milatariga waxa uu kormeer ku tagay xero ciidanka Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin duleedka magaalada Gaalkacyo.

Xaaf ayaa warbixino ka dhageestay saraakiisha ciidanka uu maanta booqday, waxa uuna ku amaanay ciidanka Galmudug sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay difaacaan deegaanada maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna ciidanka uu maanta la kulmay faray in ay u diyaar garoobaan dagaal Al Shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug ay ka joogaan.

Xaaf ayaa mudooyinkii dambe waxaa xarun u aheyd magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Galmudug, waxaana dagaalka maanta uu ku baaqay uu imaanayaa xili uu Galmudug hareeyay khilaaf sababay in labo garab u kalo jabo maamulkaasi.

- Advertisement -