Madaxweynihii hore ee Galmudug oo si kulul uga jawaabay eedeyn kaga timid C/wali Gaas

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si carol eh uga jawaabay eedeymo kaga yimid madaxweynaha Puntland C/wali Gaas

Mar uu ka hadlayey Gaas shirka madaxda dowlad goboleedyada shalay uga furmay magaalada Gaalkacyo ayuu soo hadal qaaday colaadihii ka dhacay Gaalkacyo oo uu ku eedeeyey inuu ka dambeeyey C/kariin Guuleed.

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hadalka Gaas ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog, isagoo xusay in maamulkii uu isagu hogaaminayey uu dedaal u galay nabad ka aslaaxinta Gaalkacyo, isagoo xusay in C/wali Gaas uu ahaa shaqsiga diidanaa nabada magaaladaas.

Guuleed ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee colaada Gaalkacyo ay aheyd mid ka socotay dhanka Puntland, waxaana uu muujiyay in Gaas uu ka caga jiidi jiray nabada, ayna caado u aheyd  caga jugleynta taasoo uu xusay iney tahay marqaati ma doonto.

“C/weli Gaas waxaa uu ku caan baxay  inuu madaxda Qaranka iyo kuwa beesha caalamka ka diido xalinta colaadaha Gaalkacyo balse keliya waxa uu ka qaadan jiray Sarkaalka Ethiopia u joogay Somalia ee Gen. Gebra” ayuu yiri Guuleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -