Nin Soomaali ah oo dil argagax leh ka geystay Magaalo ku taalla Jarmalka (Sawirro)

Nin Soomaali ah ayaa la soo sheegayaa inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cloppenburg oo ka tirsan gobolka Niedersachsen ee dalka Jarmalka.

Gabadha la dilay oo magaceeda lagu sheegay Allaha u naxariistee Marxuumad Leylo Saciid ayaa aheyd gabar Soomaali ah oo sanadkii hore dhammaadkiisa dalka Masar qaxooti ahaan looga soo qaaday.

Ninka wax dilay ayaa la sheegay iney bil iyo bar ka hor isguursadeen Marxuumada, waxaana gacanta ku dhigay Booliska xabsiga ayaana la dhigay, lamana oga illaa hadda sababta uu u dilay xaaskiisa inkastoo loo malaynayo inuu khilaaf soo kala dhex galay.

Marxuumadda ayaa ka geeriyootay Wiil yar oo labo sano jir ah kaasoo ay u dhashay nin ay horey u kala tageen, waxaana hadda gacanta ku haya qolada caruurta iyo da’ yarta qaabilsan ee Jugendamt-ga loo yaqaano.

Booliska ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan dilkan, ayna su’aalo weydiinayaan ninka wax dilay oo aan magaciisa la shaacin, waxaana dhacdadan si weyn uga argagaxay Soomaalida ku nool dalka Jarmalka oo si weyn u hadal haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -