Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo soo saaray Amar adag oo ku socda Wasiirka Maaliyadda

Qoraal kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu amray  in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Rooble qoraalka kasoo baxay ayaa lagu faray Wasaarada Maaliyadda in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda in marka hore mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.

Qoraalkan kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa kusoo aadaya xili uu khilaaf xoogan u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Wasiirka Maaliyadda siyaasad ahaan la safan yahay Farmaajo taa oo shaki galisay Rooble.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/xBIiGDpj8XE

Related posts

Go’aankii DF ku joojisay Tiktok iyo aalado kale oo caawa dhaqan geli waayey

Caydiid Ali

Ciidamada Israel oo helay Meydadka 3 ka mid ah dadkii lagu heystay Gaza

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Wakiilka Q/M ee Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---