Qarax ay ku dhinteen raggii aasayey oo ka dhacay degaan ka tirsan Hiiraan (Sawirro)

Saddax qof ayaa ku geeriyooday qarax miino oo galabta ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.

Ragga dhintay ayaa la sheegay inay la qaraxday miino ay ku aasayeen degaanka Baar-dhabaq oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Meydadka raggan oo goo’goo’ay ayaa daadsanaa dhul baaxad leh oo ku dhowaa goobta ay miinadu kula qaraxday oo sidoo kale uu ka sameysmay god weyn oo qaraxu sababay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa gaaray goobta uu qaraxu kula kacay xubnahaas.

“Dhagarqabayaashaas ayaa doonayey in miinooyinka ay aasayeen ay ku dhibaateeyaan shacabka adeegsada wada xariirisa Buuloburde iyo degaanka Baardhabaq, balse ayaga ayuu ku qarxay; ayuu yiri sarkaal ka tirsanaa ciidankii goobtaas gaaray.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xili gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo meelo kale ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidamada DF oo kaashanaya shacabka hubeysan ee degaanadaas ku nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -