Allbanaadir.com
NEWS

Wariye Caan ah oo katirsanaa Idaacada VOA oo xalay Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho isbitaal kuyaala ku geeriyooday Wariyihii Idaacada VOA ee magaalada Muqdisho Axmed Xasan Colaad, kadib xanuun deg deg ah oo kusoo booday.

Ehelada Wariyaha ayaa  sheegay in xanuun deg deg ah shalay uu kusoo booday Wariye Axmed Xasan Colaad uuna ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Muqdisho oo loola caray.

Wariye Axmed Xasan Colaad Warkii ugu dambeyey ee Idaacada VOA uu u direy ayaa aheyd Barnaamijka Faaqidaadda Todbaadka oo Jimcadii shalay ka baxay idaacadaasi.

Wariyahan geeriyooday ayaa kamid ahaa Wariyasaha ugu caansan ee kunool magaalada Muqdisho, waxa uuna sanadihii ugu dambeeyay katirsanaa Idaacada VOA, waxa uuna horey uga soo shaqeeyay Idaacadii Horn Afrik.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Caafimaadka oo caawa shaacisay dad cusub oo laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Wasiirka Beyle oo beeniyey Warar lagu faafiyey Baraha bulshada iyo Warbaahinta

Caydiid Ali

C/kariin Guuleed: “Waa nasiib daro in Farmaajo uu masiirkii ummada u xanibay hal gobol”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---