Eng. Yariisow & Madax kale oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay saqdii dhexe ku booqday isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii maqribkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo la dhigay dadka qaba dhaawacyada, ayaa caafimaad u rajeeyey dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in qaraxyadani ay calaamad u yihiin cadowtinimada baahsan ee ay kooxaha nabad-diidka u hayaan shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii falkaas ku geeriyooday.

“Waxaan isbitaalka ku booqanay dhaawacyada ka dhashay qaraxyadii caawa dhacay, waxaana u mahadcelinayaa dhakhaatiirta ku howllaneyd qalliinka iyo daweynta. Hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadkana door weyn ayey ka qaateen badbaadada shacabka”.Ayuu yiri guddoomiye Yarisow oo intaas raaciyey in qaraxa ka dhacay isgoyska baar FIAT ku soo beegmay xili ay dhalinyaro badan ka yimaadeen xeebta Liido maadaama ay Jimco aheyd.

Ugu yaraan 25 ruux oo shacab u badan ayaa ku naf waayey qaraxyo iyo iska horimaadyo xalay ka dhacay agagaarka Vill Somalia iyo hotel dhowaan la furay oo ku yaalla nawaaxiha xarunta NISA, dad kale oo badana wey ku dhaawacmeen Al shabaab ayaana sheegatay masuuliyada weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -