Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Christine Alalo oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay Shilkii dayuurada Ethiopian Airlines

Ku-simihii Taliyaha Booliska ee AMISOM ee Soomaaliya  Christine Alalo ayaa la xaqiijiyay in  ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay duleedka Magaalada Addis ababa

Mss Alalo ayaa waxay u dhalatay dalka Uganda waxayna ku sii jeeday marka uu shilka dhacayay dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan AMISOM.

Rakaabka saarna diyaarada ayaa waxaa ay tiradoodi aheyd 149 rakaab ah iyo 8 qof oo shaqaale ah kuwaasoo dhamaantood ku dhintay shilkaas.

Diyaarada ayaa burburtey kadib markii ay garoonka Addis Ababa ka soo dushay hawda-na ay ku jirtay muddo 6 daqiiqo ah waxaana ay ku dhacday meel 45 Km u jirta magaalada Addis Ababa, waxaana haatan socda baaritaan ku saabsan sababta keentay shilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax ka ogow balan qaadyo waaweyn ee Talyaanigu u sameeyay Xasan Shikh !!

admin

Milateriga Ruushka oo Magaalo weyn kala wareegay ciidamada Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiyihii Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida oo xilka laga qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---