Shirkaddo duulimaad oo joojiyey isticmaalka dayuuradda Boeing 737 Max-8

Qaar ka mid ah shirkadaha dayuuradaha caalamka ee horey u soo iibsaday dayuurada Boeing 737 Max-8 ayaa joojiyey isticmalakeeda ka dib markii ay shalay dalka Itoobiya ku burburtay dayuuradii labaad ee noocaas ah.

Shilkii hore ayaa ka dhacay dalka Indonesia bishii Oktoobar ee sannadkii hore, wax yar uu ka dib markii ay dayuuradan cagaha dhulka ka qaadday, waxaana soo baxaya su’aalo la iska weydiinayo bedqabka dayuuradan.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay leedahay 5 diyaaradood oo nooca Boeing 737 Max 8 dhammaantoodna shaqada waa laga joojiyey.

Su’aalo badan oo la xiriira heerka badbaadada diyaaradda nooceedu yahay 737 ayey wajaheysaa Shirkadda samaysa dayuuradda Boeing ee dalka Maraykanka kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya, kaasoo ay ku dhinteen 157-dii qof ee saarnayd.

Dayuurada 737 Max-8 waa diyaarad ku cusub hawada, waxayna suuqa soo gashay sannadkii 2017-kii, iyadoo Mr. Mary Schiavo oo horey uga tirsanaan jirey laanta duulista hawada sare ee Maraykanka uu sheegay in waxa dhacay ay leeyihiin shaki badan.

“Diyaarad jadiid ah oo markii labaad dhacday sannad gudihiis, ma ahan wax iska caadi ah” ayuu yiri Mr. Mary Schiavo.

Kadib shilkii sannadkii hore, shirkadda Boeing ayaa wargalin u dirtay dhammaan shirkadaha diyaaradaha, waxa ay u sheegtay in ay dhibaato ka jirto barnaamijka casriga ah ee lagu shubey diyaaradda.

Baaritaanka lagu hayo shilkii shalay dhacay wuxuu marayaa xilli hore, mana cadda sababta ka dambeysay, waxaana dedaal loogu jiraa sidii loo heli lahaa sanaadiiqda madow oo duuba wixii dhacay daqiiqadihi ugu dambeeyay ka hor inta aysan dhicin.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -