Meydadka qoys todoba qof ka kooban oo laga helay Magaalada Osmington (Daawo Sawirro)

Meydadka Toddobo ruux ayaa laga helay dhisme ku yaalla cirifka Galbeed ee Australia, sida ay booliisku sheegeen.

Waxay ka koobnaayeen Maydadka afar carruur ah iyo saddex qaangaar ah waxaana laga helay magaalada Osmington oo 280km kaga beegan koonfurta magaalada Perth saaka.

Masuuliyiinta ayaan ka hadlin sida ay dadkaasi u dhinteen balse waxay xaqiijiyeen in labo qori lagu arkay goobta uu dhibkaasi ka dhacay.

Ma jirto halis kale oo ay bulshadu ka baqaan, ayuu yiri booliisku, mana aysan xaqiijinin in qof maydadka ka mid ah uu dadka laayay ka dibna uu is dilay.

Labo mayd oo qaangaar ah ayaa ayaa laga helay daaradda shan mayd oo kalana waxaa laga helay gudaha dhismaha, sida uu sheegay taliyaha booliiska Galbeedka Australia ama WA.

“Waxay u muuqataa in xabbad ay ku taallo jirka maydadka, balse ma rabo in aan wax intaas ka badan ka sheego.” ayuu yiri taliyaha.

Haddii la xaqiijiyo wuxuu noqon doonaa dil wadareedkii ugu xumaa ee Australia ka dhaca tan iyo xasuuqii Tasmania ee galaaftay nolosha 35ta ruux taariikhdu markay ahayd 1996.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -