Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khayre Oo Ka Qayb Galay Janaasada Iyo Aaska Qaran Ee Wasiirkii Dastuurka (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday.

Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Marxuumka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa caddeeyay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid kamid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay Wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay qaran oo ay ku wayntahay Soomaalinimada, daacad ah, howl kar ah, ka maran musuq-maasuq, shaqo badannada geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo.

Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Janan oo xaalad halis ah galay iyo Dhaawacyo Badan oo Muqdisho la keenay

Cabdi Cade

Shaqo joojin lagu sameeyay Cali Dhuux Cabdi Mahadale (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

Nabadoon la shaqeyn jiray kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---