Xeer Ilaaliyaha & Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Jubbaland oo la ansixiyey (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay ahmiyada shirkii amniga ee dhawaan Xamar lagu qabtay isagoo hoosta ka xariiqay in ay ahayd talaabo dhinaca hore loo qaaday.

Dhinaca kale shirka golaha waxaa lagu meel mariyay Magacaabida Madaxweynaha ee Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaaliyaha guud kuwaas oo Madaxweynahu uu dhawaan Magacaabay.

Golahu wuxuu warbixin la xiriirta xaaladaha ammaanka ka dhagaystay Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan isagoo faahfaahiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee Ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud sayid aadan ayaa golaha uga warbixiyay shir lagaga hadlayay sidii loo xorayn lahaa deeganada Jubbaland ee ay wali ku sugan yihiin Al-Shabaab isagoo sheegay in lagu balamay in waxyabahii la isku raacay ficil loo badalo.

Golahu wuxuu isku raacay in dood dheeri ah laga yeesho dhibaatada ay bacaha ku hayaan deegaanada Jubbaland iyadoo kulamada danbe ka doodista arintan lagu soo geba gabayn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -