Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dib u dhac ku yimid caleema saarka Axmed Madoobe & Xanibaadii hawada oo shaqeysay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Munaasabadda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu waday in 26-ka bishan lagu qabto magaalada Kismaayo.

Guddiga loo xilsaaray qabanqaabada xafladaas ayaa la sheegay inay dib u dhigeen xilliga xafladdu ay dhaceyso, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin dib u dhaca xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe.

Dib u dhaca ayaa yimid ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay cadaadis xoog leh saartay xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ahna ku soo rogtay magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in muddo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin.

Sababta ugu weyn ee dib dhaca ku keentay xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay tahay xayiraada seddaxda maalin ah ee dowladda Soomaaliya saartay duulimaadyada Kismaayo, si wufuuda ka qeyb galaysa ay ugu adkaato iney tagaan  magaalada  Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka iyo Qoorqoor oo ka wada hadlay xiisada ka taagan Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali

Qof qaba Caronavirus oo lagu arkay Muqdisho iyo Wasaarada Caafimaadka oo ka hadashay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Dowlada oo si rasmi ah ula wareegtay Ciidankii ay tababareen Imaaraadka iyo Hubkooda

Cabdi Cade