Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday kaddib Heshiiskii Soomaaliya

Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya, xilli saameynta Turkiga ku yeelanayo qaarada Afrika sii kordhayo.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa wadahadal dheer ku yeeshay magaalada Ankara , waxa ayna labada dhinac kawada hadleen iskaashi dhinaca difaaca ah iyo arrimo kale.

Labada wasiir ayaana kala saxiixday heshiisyo iyo hab-maamuusyo dhowr ah , kuwaas oo ay ka mid yihiin heshiis iskaashi oo dhanka tababarka ciidamada ah iyo heshiis iskaashi oo dhanka maaliyadda ah.

Wasiirrada Gaasgaandhigga dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa heshiiska kaddib sheegay in uu wax badan ka tari doono xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal heshiisyada ay hadda kala saxiixdeen.

Heshiiska Turkiga iyo Jabuuti ayaa kusoo aadaya xilli shalay labada gole ee dowladda Federaalka ansixiyeen heshiis dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha dowladda la gashay Turkiga, kaa oo dowladda ka taageeraya in laga difaaco dowladaha kusoo gardarooda xeebaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirinta codadkii la dhiibtay doorashadii manta ka dhacday Turkiga oo socota (Yaa ku horeeya)

Caydiid Ali

Haweeneydii ugu horeysay ee loo magacaabay duqa Belad-weyne oo xilka la Wareegtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo 30-sano kadib wax ka badaleysa Siyaasadii ay kula dhaqmaysay Soomaaliya

Cabdi Cade