Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay kulan Xalay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kullan la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.

Farmaajo ayaana ayaa markii ugu horeesay ka hadlay si adagna u cambaareeyay qaraxyadii iyo weerarkii Al Shabaab dhawaan ka geesteen Laamiga Maka Al Mukarama ee magalaada muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay hay’adihii kala dawanaa kaalintii ay ka gaysteen gargaarkii loo fidiyay dadkii birimageydada ahaa ee ay sida waxshinimada ah u laayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in dagaalka Al Shabaab iyo weerarada ay geesanayaan aysan hada bilaaban balse soo socotay mudo 11-sano ah, waxa uuna xusay in Al Shabaab dagaal kula jirto horumarka, dowladnimada kobaca dhaqaalaha iyo nafta bani’aadamka

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulankan in ay muujiyaan isku duubni, waxa uuna ku dhiiriyay in loo istaago sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaan kooxaha shacabka nolosha u diidan.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa mudooyinkan lagu eedeenayay in ay ku fashilantay xaqiijinta amniga kuna mashquushay siyaasado kale oon wax micno ah aabureyn sida ay qabaan qaar kamid ah siyaasiyiinta dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -