Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Sargaal katirsan Ciidanka Milatariga oo saakay la dilay iyo howlgalo socda

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay kooxo biskoolado ku hubeesan xaafada Howl Wadaag ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesan saakay gurigiisa ku hor dileen  Cumar Cabdi Mahad oo katirsanaa saraakiisha Milatariga, waxaana sargaalkan xiliga la dilayay kusii jeeday fariisin ciidan uu ka howl galayay.

Ciidamada booliiska iyo Milatriga ayaa dilka kadib howgalo balaaran ka bilaabay xaafada Howl Wadaag uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada baadi goob ugu jiraan ragii dilka geestay oo la sheegay in ay baxsadeen.

Dilkan saakay ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa kusoo aadaya xili saacadihii lasoo dhaafay qeybo badan oo kamid ah magaalada ka socdeen howlgalo baaritaano ah, kadib markii magaalada kusoo bateen dilalka ay geestaan raga hubeesan.

Magaalada Baladweyne ayaa kamid ah magaalooyinka ay inta badan ka dhacaan dilalka qorsheesan, waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee fuliya dilalka ka dhaca magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkeeda ka tarxiilaysa boqolaal Muslimiin ajnabi ah

Caydiid Ali

Shir Amaanka looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Jowhar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Trump oo shaaciyay in ay la wareegayaan Gasa iyo Xamaas oo ka jawaabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---