Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo mar kale weeraray Ilhaan Cumar, kuna tilmaamay..

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weeraray Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaali ah oo kana tirsan aqalka CongressĀ­ka Mareykanka.

Trump ayaa sheegay inay jiraan Xildhibaano soo galooti ah oo neceb Mareykanka xilli uu khudbad ka jeedinayey shir looga hadlayay siyaasadda, waxaa dadkii shirkaasi joogay ay sheegeen inuu ula jeeday Ilhaan Cumar.

“Waxaan haynaa dad Xildhibaano ah kana tirsan aqalka hoose ee congreska kuwaasoo ah soo galooti neceb Mareykanka” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Dood adag oo u dhaxeysay Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa dhowaanahan ka jirtay dalka Maraykanka taasoo hadda u muuqata in mar kale uu dib u soo kicinayo Trump, waxaana Ilhaan Cumar ay aad u cambaareysaa siyaasada uu ku dhaqmo Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Muuse Biixi oo sameeyey arrin uu kaga dayday Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Qarax bam oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade