Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha Dowlada Turkiga oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Reccep dayib Erdogan ayaa magacaabay safiirka cusub Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Danjire Ibrahim Mete Yagli ayaa beddeli doona danjire Mehmet Yilmaz oo lagu xasuusan doono sare u qaadida xiriirka labada dal iyo kordhinta tirada ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga wax ka barta.

Mehmet Yilmaz oo tan iyo 2018 ahaa danjiraha Turkiga ee Somalia ayay u dhamaatay mudadii afarta sano ee loogu talo galay inuu xilkaas hayo.

Danjiraha cusub Ibrahim Mete Yagli ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay gudaha iyo dibadda Turkiga kuwaasoo ay ay ka mid yihiin Agaasinka arrimaha dhaqaalaha ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo ku-xigeenka koowaad ee Safaaradda Poland.

Safiirka cusub ayaa lagu wadaa inuu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho, isagoo warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbin doona Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarunta Baarlamaanka dalka Norwey oo khatar Amni loo xiray iyo baaritaano socda

Cabdi Cade

Sadexda Masuul ee ugu sareysa dowladda oo dalka ka maqan xilli ay jirto Xiisad Siyaasadeed

Caydiid Ali

Daawo :-Imisa ruux ayaa loo daayay Kiiskii dilka Xamdi Max’ed, Yaase ku haray Xabsiga?

admin
Taboola Ads ---