Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Doorashadii Madaxweynaha dalka Nageria oo lagu kala baxay

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar kale ku guuleystay doorashadi Sabtidi ka dhacday dalkaasi, waxa uuna Madaxweynaha helay codadka ugu badan ee dadka usoo banaan baxay doorashada.

Muhammadu Buhari ayaa mar kale dalka  Nigeria maamuli doono afarta sano ee soo socota, waxa uuna doorashada ka gaaray guul weyn taa u horseeday in talada dalkaasi uu sii hayo.

Guddiga doorashada dalka Nageria ayaa waxa ay sheegeen in lasoo gabo gabeeyay tirinta codadka marka laga reebo hal gobol, waxa ayna sheegeen guddiga in Mohammadu Buhari uu aad ugu horreeyo ninka la tartamayay ee Atiku Abubakar.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka People’s Democratic Party ayaa ka dalbaday guddiga doorashada inuu hakiyo tirinta codadka, isaga oo ku andacooday in mashiinada la marsiiyo kaararka codadka la baddalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowlada oo bur burin ku bilaabay dhul uu sheegtay in uu leeyahay Wiil uu dhalay Siyaad Barre

Cabdi Cade

Koox la baxday magaca Al Shabaab oo weeraro dad badan lagu dilay ka fulisay dalka…

Cabdi Cade

Ciyaaryahan Maxamed Saalax oo Codad badan ka helay Doorashadii Masar (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---