Afar qof oo loo soo xiray dilkii Gaalkacyo loogu geystay gabar 12 jir ah

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir oo  dadka loo soo xiray dilkan ka hadlay ayaa sheegay in afarta nin si weyn loogu tuhunsan yahay iney falkaas ku lug lahaayeen,  cadaaladdana la marin doono.

“Baaritaan ayaa hadda ku socda Haddii ay ku caddaato afartaba waa dil toogasho ah” ayuu yiri gudoomiyaha.

Wuxuu inta ku daray in sharciga uu go’aan ka gaari doono dhacdadaan oo aysan aqbali doonin odayaal dhaqameed inay soo farageliyaan.

“Waxaan u maleynayaa nin xishoonaya ama ALLE ka baqaya inuusan oraneyn ninkii fara xumeeyay gabadhaa yar yaan la dilin, adeer baan u ahay iyo Aabbaan u ahay”. ayuu raaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug oo intaa ku daray iney daba jiraan rag kale oo falkan lagu tuhunsan yahay.

Dhinaca kale, Maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo saartay waaran lagu soo soo qabanayo gaari lagu tuhmayo inuu keenay maydka gabadha yar markii la dilay kadib.

Marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir dhigata fasalka 6aad ee dugsiga dhexe ayaa maanta lagu aasay qabuuraha waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhacdadan si isku mid ah bulshada Soomaaliyeed uga argagaxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -