Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo saakay inta badan xiran (Daawo Sawirro)

Waxaa saakay xiran inta badan Ganacsigii ka jiray Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdidsho, ganacsatada ayaana isku raacay in aysan saakay furin ganacsigooda ilaa inta laga xalinayo cabashadooda.

Ganacsatada ayaa diidan bixinta canshuur dheeraad ah oo Wasaarada Maaliyada kusoo rogtay, waxa ayna ganacsatada qaarkood sheegeen in aysan cadaalad aheyn in Muqdisho kaliya lagu soo rogo canshuur dheeraad ah.

Mid kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oon la hadalnay ayaa noo sheegay in saakay wax ganacsi ah uusan ka jirin Suuqa Bakaaraha, waxa uuna sheegay in dhamaan albaabada u xiran yihiin goobaha ganacsi.

Ganacsatada qaarkood oo isku dayay in ay furaan goobahooda ganacsi ayaa lagu qasbay in ay xiraan, waxa ayna ganacsatada yihiin kuwa hor fadhiya goobahooda ganacsi oo albaabada u xiran.

Xirnaaashaha ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa saameyn badan ku yeelanaya bulshada Muqdisho, lamana oga inta uu Suuqan sii xirnaan doono.

Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan canshuur kordhin ku sameesay Ganacsatada gobolka Banaadir ee alaabaha kala soo dega Dekadda Muqdisho, waxa ayna ganacsatada sheegeen in ay ku adag tahay in ay bixiyaan canshuurta laga rabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -