Burcad Hubeesan oo kusoo badaneysa Muqdisho iyo Shacabka oo qaati ka taagan

Waayihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhayay burcada hubeesan ee dadka dhaca iyo dhibaatooyinka kale u geesta, waxa ayna burcadan inta badan ka howlgalaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Burcadan hubeesan ayaa inta badan adeegsata mootooyinka loo yaqaano Bajaajta, waxa ayna orod ku maraan wadooyinka Muqdisho iyaga oo dadka kasii qaata Moobeelada ,Laabtoobyada iyo ilaabaha kale ee dadka wataan.

Kooxahan burcada aaa mararka qaar dila ama dhaawacyo culus gaarsiiya dadka isku dhajiya in la dhaco ama laga qaato moobeelada iyo alaabaha kale ee wataan, burcadan ayaana ah kuwa aan naxriis laheyn.

Inta badan kooxahan burcada ah ayaa ka qaraabta wadooyinka jidcadayaasha jayga ah ee Mootooyinka mari karaan, waxa ayna soo qaataan mootooyin aan laheyn taargo ama wax sumad ah.

Shacabka Muqdisho oo qaati ka taagan burcadan ayaa ugu baaqay ciidamada amaanka in ay wax ka qabtaan burcadan kusoo badaneysa magaalada , waxa ayna dadka qaarkood bilaabeen in aysan guryaha kala bixin moobeelada qaaliga ah.

Ciidamada amaanka ayaa howlgalo ay dhoor mar sameeyeem horey ugu qabtay kooxo burcad hubeesan oo dadka ku dhici jiray Mooto bajaajta, waxaana hada looga fadhiyaa ciidamada amaanka in ay wax ka qabtaan burcada magaalada kusii kordheysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -