Allbanaadir.com
NEWS

Nin gaari jiirsiiyay bar koontarool oo laga ilaaliyo safaarad Isreal ay leedahay

Wararka ka imaanaya magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa sheegaya in nin gaari watay uu xoog ku galay bar koontarool oo laga ilaaliyo safaarada Isreal ay ku leedahay caasimadda dalka Japan.

War kasoo baxay booliiska magaalada Tokyo ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay xireen nin 50-sanno jir ah oo gaari uu xowli ku waday ku dhuftay deyr koontarool u ahaa safaarada Isreal.

Sargaal katirsanaa ciidamada booliiska dalka Japan ayaa ku dhaawacmay gaarigan la jiirsiiyay, ciidamada ammaanka ayaana baaritaanno ku bilaabay ninkii ka dambeeyay falkan gaariga lagu dhuftay koontaroolka.

Wali ma cadda falkan in uu ahaa mid shil ah iyo kutala gal, waxa ayna sheegeen saraakiisha booliiska in baaritaanka kaddib ogaan doonaan waxa uu salka ku hayo shilkan ka dhacay meel ku dhaw safaarada Isreal.

Safaaradaha iyo qunsuliyada Isreal ay ku leedahay qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa si weyn loo adkeeyay, kaddib markii uu bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Xamaas ee reer Falastiin iyo ciidamada Isreal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo boqolaal shacab ah Salaada ciida kula tukaday Hargeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Saameynta Muqdisho ku yeeshay Roob xoogan oo xalay ilaa maanta ka da’aya

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo la shaaciyey inuu ka qeyb galayo shirka uu ku baaqay Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---