Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw ka dhoofay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ay u dhoofeen magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, mana jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo ku aadan ujeedka Safarka Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa inta uu dalka Masar uu joogo la kulmo madax sare oo katirsan dowlada Masar uuna kala hadlo arimo badan ay kamid tahay xoojinta xariirka labada dal.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ugu dhoofay dalka Masar ayaa kusoo aadaya xili uu isbuucan socdaalo ku tagay wadamada Burundi iyo Jabuuti oo xiriir dhaw la leh dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -