Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland oo Dil argagax leh u geestay nin shacab ah

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada Nabad sugida ee maamulkaasi dil arxan daro ah u geesteen nin shacab ah ay kasoo xireen duleedka Kismaayo.

Ciidamada Nabad sugida Jubbaland ayaa shalay deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka Kismaayo kasoo xiray nin horey uga tirsanaa ciidamada Maamulka Jubbaland balse markii dambe ka baxay iskana noqday Beeraley.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada Nabad sugida Jubbaland ayaa Buulo Gaduud xarun ay ku leeyihiin geeyay Siyaad Iidle Xasan , waxaana la sheegay in sargaal katirsan Nabad sugida uu wareestay kadibna ciidanka gaari ugu qaateen dhinaca Kismaayo.

Nin Ehel la ah maxruunka la dilay ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland ay Marxuunka geesteen Xeebta magaalada Kismaayo halkaasna si xun ugu jirdileen, waxaana meydka Siyaad oo garaacis lagu dilay markii dambe la geeyay Isbitaalka Kismaayo.

Shacabka magaalada Kismaayo ayaa aad uga argagaxay dilkan aran darada ah ee ciidamada maamulka Jubbaland u geesteen ninka shacabka ah, waxaana dilkan aad uga carooday dadka uu kasoo jeedo marxuunka dilka arxan darada ah loo geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -