Allbanaadir.com
NEWS

Ing. Yariisow oo dhagax dhigay xarun gurmad oo laga hirgelinayo Muqdisho (Daawo Sawirro)

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo maanta dhagax dhigay xarunta Gurmadka Deg-dega ah iyo Dabdamiska Degmada Wadajir ayaa sheegay in guud ahaan degmooyinka Caasimadda laga hirgelin doonno Xarumaha Dabdamiska, si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada dawladnimada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in iyadoo ahmiyadda la saarayo sidii bulshada caasimaddu u heli lahayd adeegga gurmadka deg-deg ah la bilaabay mashruuc xarumo gurmad degdeg ah looga dhisayo degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

“Xarunta Dabdamiska Degmada Wadajir oo galabta xariga ka jarnay, waxay u adeeggi doontaa bulshada deegaanka, waana qeyb kamid ah qorshaha maamulku uu ku doonayo in shacabka loogu dhaweeyo adeegyada dawladnimada”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Mudane Eng. Yarisow ayaa sheegay ka sakow dhagax-dhigga iyo dhismaha xarumahan in ay barbar socdaan tababaro lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadooda, si looga baaqsado khasaarihii faraha badnaa ee ka dhalan jiray goobaha uu dabku ka kaco.

Xafiisyada gurmadka deg-dega ah ee la geeyey qaar kamid ah Degmooyinka Caasimadda, ayaa qeyb ka ah qorshaha fog ee maamulku uu ku doonayo in dib Caasimadda loogu soo celiyo guud ahaan adeegyadii bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Malaayiin Lacag ah oo lagu qoray Erey Khalad ah iyo Go’aan laga soo saaray

Cabdi Cade

Golaha Ammaanka ee QM oo isku raacay qaraar ay ku farxeen shacabka Gaza

Cabdi Cade

Xasan Kheyre oo baaq u diray Madaxda dalka iyo bulshada Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---