Dagaal xoogan oo dhax maray Dagaalyahano kala taabacsan Al Shabaab iyo Daacish

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay dagaalyahano kala taabacsan Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa maanta ka dhacay tuulada Afgaraar oo kutaala dhulka Buuraladeyda ee gobolka Bari.

Dad ku dhaqan deegaano ku dhaw dhaw halka labada dhinac ku dagaalameen ayaa Idaacada VOA u sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo hubka culus ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Dagaalka dhax maray Dagaalyahanada Al Shabaab iyo kuwa Daacish ayaa la sheegay in uu bilowday saakay aroor hore, waxaana deegaanka ay labada dhinac ku dagaalamayeen wali ka jirta xaalad kacsanaan ah.

Waxaa wali adag in la ogaado khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray labada koox ee ku dagaalamay dhulka Buuraha ee kuyaala gobolka Bari, waxaana ka barakacay aaga lagu dagaalamay shacabkii kunoolaa.

Deegaanka dagaalka ku dhax maray Al Shabaab iyo Daacish ayaa kuyaala dhul buuralley ah oo dhinaca bari ka xigta magaalada Boosaaso qiyaastii 80 km, waxaana horey dhulkan buuraha labada koox ugu dhax maray dagaalo dhiig badan ku daateen.

 

- Advertisement -