Saraakiil iyo Ciidamo badan oo katirsan Milatariga Turkiga oo xabsi lagu guray

Ciidamada booliiska Turkiga ayaa howlgalo gaar ah ay maanta sameeyeen waxa ay ku xir xireen saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsan Milatariga , kuwaa oo lagu eedeeyay in xiriir la leeyihiin Wadaadka mucaaradka ee Fethullah Gulen.

Booliiska ayaa si gaar ah u beegsaday guryaha saraakiil iyo ciidamo katirsan Milatariga Turkliga oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi Turkiga ka dhacay bishii july ee sanadkii 2016-kii.

Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in xabsiga la dhigay 295-xubnood oo isugu jira ciidamo iyo saraakiil katirsan Milatariga Turkiga, waxaana xubnahan dowlada sheegtay in la tuhmayo laguna sameenayo baaritaano.

Xafiiska dacwad oogaha Turkiga, ayaa xubnahan la xir xirtay ku eedeyey inay xiriir la leeyihiin Wadaadka Hantiilaha ee Fethullah Gulen oo horey loogu eedeeyay in uu maleegay afgambigii dhicisoobay.

Dowlada Turkiga ayaa sidan oo kale xabsiga ugu gurtay saxafiyiin, Aqoonyahano iyo dda kale oo lagu tuhmayo in xiriir la leeyihiin ama taageersan yihiin siyaasada Wadaadka Mucaaradka ku ah Xukuumada Ankara.

 

- Advertisement -