Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Kenya oo Guddi u saaray Khilaafka Dowladiisa kala dhaxeeya Somalia

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiligan waxaa ka dhax aloosan khilaaf siyaasadeed oo aad u xoogan, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka uu meel xun sii gaaro uuna ka dhasho saameyn xoogan .

Madaxweynaha dowlada Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horeesay shir ay maanta yeesheen golihiisa Wasiirada waxa uu kala hadlay khilaafka siyaasadeed ee xiligan kala dhaxeeya Soomaaliya iyo waxa keenay.

Uhuru ayaa guddi gaar ah u saaray in ay soo baaraan ayna cadeeyaan waxa dhaliyay khilaafka siyaasadeed ee xiligan kala dhaxeeya Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday in guddigan in ay soo cadeeyaan  waxa dhaliyay khilaafka meesha xun gaaray.

Guddiga Madaxweynaha Kenya magacaabay ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan in wadahadal diblumaasiyadeed ugu dhameyn lahaayeen khilaafka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Kenya ayaa 16-kii bishan u yeeratay safiirkeedi Soomaaliya ka joogay, waxa ay sidoo kale ku amartay safiirka Soomaaliya Kenya u joogay in si deg deg ah dalkeeda uga baxo.

 

Related posts

Wasiir katirsan Xukuumadda Roble oo loo doortay Xildhibaan katirsan golaha Shacabka

Cabdi Cade

DF oo Shaacisay in xalay Saqdii Dhaxe dagaal lagu dilay 30-nin oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga dalka oo si buuxda loogu wareejiyey amniga Villa Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---