Shixnadii saarneyd Doon ku caarisey xeebta Boosaaso oo laga dejiyey (Daawo Sawiriada)

Waxaa maalmo kadib lagu guuleestay in la dejiyo shixnadii saardeyd doon dhawaan ku caarisay xeebta magaalada Boosaaso, doontan oo alaabo kala duwan oo ganacsi siday ayaa ka timid dalka Imaaraatka Carabta.

Doontan ayaa 11-maalin kahor ku caarisay xeebta magaalada Boosaaso, waxaana lagu guuleestay dhisida dekad macmal ah taa oo horseeday in Doontan laga soo dejiyo alaabtii saarneyd.

Dekadda Macmalka ah ee la dhisay waxaa gacan weyn ka geestay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso, waxaana dadaalkii dadka badan sameeyeen uu noqday mid guuleestay.

Doontan laga dejiyay shixnadii saarneyd ayaa waxa ay u rarneyd ganacsato kasoo jeeda degaanada Puntland, waxaana doontan saarnaa alaab kala duwan oo lacagta ay joogaan lagu qiyaasay 7-Milyan oo Dollar.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -