Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Banaan bax looga soo horjeeday Dhismaha maamulka Hirshabelle oo maanta la dhigay

Waxaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday sida loo wado iyo qaabka loo marayo dhismaha dowlad goboleedka Hirshabelle .

Banaan baxa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ay ka qeyb qaadanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi ayey uga soo horjeedeen in laga laabto heshiisyadii horey loogu dhisay maamulkaasi.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo banaan baxa ka hadlay ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in isbadal lagu sameeyo sida markii hore loo qeybsaday hogaanka Hirshabelle iyo caasimada .

Waxa ay sheegeen Odayaashan  in ay qaadan doonaan go’aan ay uga baxayaan maamulkaasi hadii xilka Madaxweynaha Hirshabelle laga wareejiyo gobolka Hiiraan oo horey loo siiyay.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaana ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo horjeedaan qorshahan isbadalka loogu sameenayo hogaanka maamulka Hirshabelle, waxa ayna dowlada ugu baaqeen in faragalinta ka dhaafto dhismaha Hirshabelle.

Banaan baxan ayaa imaanaya xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay dhismaha maamulka Hirshabelle gaar ahaan la isku heesto xilka Madaxweynaha oo markii hore beesha Xawaadle loo dhaafay balse hada la sheegay in cid kasta ay u tartami karto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo Shaacisay Khasaaro xooggan oo lagu gaarsiiyay Al Shabaab weerar xalay dhacay

Cabdi Cade

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo indhahooda kusoo arkay Saameynta Roobkii Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Cudurka Coronavirus oo 25 Milyan oo qof ku soo ritay dal ka tirsan caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---