Allbanaadir.com
NEWS

Shimbirta xilligan Dunidda ugu da’da weyn oo ukun dhashay

Shimbirta ugu da’ada weyn dunida oo ah shimbir duurjoog ah, ayaa dhashay ukun iyadoo da’adeedu ku dhowdahay ilaa 74 sano jir, sida ay sheegeen khubarada ku takhasusay cilmiga noolaha ee Mareykanka.

Wisdom, Laysan albatross, ayaa waxaa duubay waaxda kalluunka iyo duurjoogta ee Maraykanka (USFWS) iyadoo ku sugan xerada badbaadada duur-joogta qaranka ee Midway Atoll ee Badweynta Baasifiga iyada oo xiligaas ilaalineysay ukunta.

Shimbiraha noocan ookale ah, inta badan waxay noolaadaan 12-40 sano, balse Wisdom waxay dhalatay lixdameeyadii, waxaa baaris lagu waday tan iyo sanadkii 1956, iyadoo un markaas jirta 5 sano.

Warbaahinta caalamka ayaana si weyn u hadal haysa shimbirtan waayeesha ah ee dhashay ukunta, waxaana lagu tilmaamay shimbir mucjiso ah oon horey loo arag da’da ay jirto iyo in ay ukun dhasho.

Related posts

Diyaarado Milatari oo maanta ka degay degmo uu heysan jiray Axmed Madoobe

Cabdi Cade

Ciidamada Kenya oo Shaaciyay in ay dileen xubno katirsan kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidamo badan oo lagu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho iyo Sababta ka dambeesa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---