Dowlada Somalia oo dalka ku soo celineysa dhalinyaro ku xirxiran dal ku yaalla qaarada Afrika

Labaatan caruur oo ka mid ah Soomaalida ku jira xeryaha qaxootiga Dalka Liibiya kana soo badbaaday Gacanta Tahriibiyeyaasha ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu soo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan xuquuqda Tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi ay dowladda Federaalka u dirtay halkaasi oo safar ku tagay Liibiya iyo Tuniisiya ayaa sheegtay inuu haatan socdo dedaal ku aaddan sidii ay Dhallinyaradaasi dib ugu soo celin lahaayeen Dalkooda.

Waxay sheegtay inay jiraan caruur badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan, kuwaasoo qaar ka mid ah ay haatan ku guuleysteen inay soo celiyaan dhawaan, halka inta hartayna ay waqtiyada xiga soo deyn doonaan.

Ergeyga ayaa intaa raacisay in Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya ay halkaasi ku haystaan tacaddiyo ba’an oo xagga nolosha iyo xorriyaddaba ah.

Waxay walaac xooggan ka muujisay dhibaatooyinka ba’an ee ay kooxaha magafayaashu u geystaan Dadka Tahriibaya, kuwaasoo intooda badan ku sugan meelo ayan Dowladda Liibiya gacanta ku hayn ama goobo qarsoodi ah iskana qariya laamaha ammaanka.

Dadka Soomaaliyeed ee Tahriibta ku tegey Dalka Liibiya ayay ku qiyaastay Kumanaan Qof oo u badan Dhallinyaro, kuwaas oo loo geysto Jirdil Kufsi iyo ciqaabo kulul oo qaarkood ay u dhintaan.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa muddadii Sanadka ahayd ee ay jirtay ku dedaashay inay xabsiyada caalamka iyo goobaha kale ee lagu haystoba ay ka soo sii deyso Maxaabiis badan oo Soomaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -