Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxtooyada Somalia oo War ka soo saartay kulankii baaqday ee Farmaajo & Biixi (Akhriso)

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo xariga ka jaray Xarunta IGAD ee Cimilada & Ilaalinta Degaanka (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe & Saraakiil Mareykan ah oo ka shiray..

Caydiid Ali

Fadeexad ku soo baxday guddigii Rooble u xilsaaray kala saarida xubnihii cabashada laga keenay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---