Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka AMISOM oo baneynaya Mid ka mid ah fariisimahooda waaweyn ee Muqdisho (Sawirro)

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia Ambassador Francisco Madeira ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ciidamada AMISOM ay ka guurayaan dhismaha xaruntii Ex-Kuliyaddii Jaalle Siyaad oo ku taalla wadada Warshadaha

Madeira ayaa hadalkan shaaciyey xilli uu  booqanayay kulliyada Jaalle Siyaad oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ay ka socdeen howlo dayctir ah.

“Waxaan ku qanacsanahay dayactirka iyo dib u habeynta lagu sameeyay xaruntan waxaana ay diyaar u tahay in dhamaadka bishan lagu wareejiyo ciidamada Milatariga Soomaaliya.” ayuu yiri Madeira oo kormeerkiisu ay ku wehliyeen saraakiil ka tirsan AMISOM iyo madax ka tirsan Dowlada Somalia

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Dowlada Federalka Maxamed Cali Xaggaa oo ka mid ahaa madaxdii booqatay Kulliyada Jaalle Siyaad ayaa u mahadceliyay AMISOM taageerada ay siiso dowlada Federalka sidii dib loogu soo celin lahaa xasiloonida dalka.

Xaruntii hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad oo xiligii beri samaadkii aheyd akademiyad lagu tababaro saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa maalmo ka dib lagu wareejin doonaa dowlada ka dib muddo ka badan 10 sano oo ay degenaayeen ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa sanadkii hore baneeyey Xaruntii Jaamacada Ummada ee Gaheyr iyo garoonka kubada cagta Istadyum Muqdisho oo muddo dheer ahaa saldhigyo Milateri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad isku qoys ah oo ku dhintay Madaafiicdii saaka lagu weeraray xerada Xalane

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo kumanaan Askari usoo diraya Soomaaliya iyo sida loo qeybsaday

Cabdi Cade

Wasiir Haruse oo ka qeyb galay Shir Arrimo taagan looga hadlay oo ka dhacay Masar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---