Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Booliiska Jubbaland oo lagu wareejiyay Qalab kala duwan oo Muhiim ah (Daawo Sawirada)

Taliska ciidanka booliiska AMISOM ayaa maanta qalab kala duwan oo muhiim u ah shaqadooda ku wareejiyay ciidanka booliiska maamul goboleedka Jubbaland ee ka howlgala magaalada Kismaayo.

Qalabkan ciidamada booliiska maamulka Jubbaland maanta lagu wareejiyay ayaa waxaa kamid ah qalabka lagu baaro miinooyinka, Cumbuyuutaro, qalabka isgaarsiita iyo qalab kale oo kala duwan.

Maamulka Jubbaland ayaa ka mahad celiyay qalabkan maanta lagu wareejiyay ciidankooda booliiska, waxa ayna masuuliyiinta Jubbaland sheegeen in qalabkan uu wax badan ka saacidayo booliiska Jubbaland.

Ciidanka booliiska AMISOM ayaa dhinacyo kala duwan ka taageera booliiska Soomaaliya iyo sidoo kale booliiska maamul goboleedyada, waxaana booliiska AMISOM ka howlgalaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

R/W Rooble oo tagay Dhismihii ay ka guurtay Safaarada Qadar iyo Jidka la furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumadda oo ansixisay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka oo ka kooban 8 qodob

Cabdi Cade

Musiibo xooggan oo kusoo wajahan Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo oo laga digay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---