Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha shacabka oo beri yeelanaya kulan xasaasi ah (Afar qodob oo looga hadlayo)

Waxaa berri oo khamiis ah taariikhduna tahay 25-ka Agoosto sanadka 2022 kulan la iskugu yeeray xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka aya lagu xaqiijiyey qoraalo telefanada loogu diray xildhibaanada golaha shacabka

Ajendaha kulanka ayaa la sheegay iney yihiin afar qodob oo kala ah:

1-Dhegeysi Warbixinta  dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool.

2-U codeynta labada Habdhawre ku-Xigeen ee magacaaban.

3-Doorashada xubnaha Guddiga kor joogteynta Dib-u-Eegista Dastuurka ee Golaha Shacabka.

4-Xiritaanka kalfadhiga 1aad ee Golaha shacabka BJFS.

Xildhibaanada ayaa lagu adkeeyey iney ka soo qeyb galaan kulankaas waqtigana dhowraan.

Related posts

Xiisadii Imaaraadka ka abuuray Jaziirada Soqotara oo la xaliyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Kulan Xasaasi ah oo caawa la yeeshay Ammaanka magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh iyo Dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo Shir jaraa’id wada qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---