Koox Kubadda Cagta oo looga adkaay 20-Gool iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Warbaahinta ka faaloota kubadda cagta ayaa aad u hadal heysa ciyaar dad badan fajaciso galisay, kadib markii koox ka ciyaarta horyaalka heerka Sadexaad ee dalka Talyaaniga looga adkaay 26-gool iyo eber.

Kooxda Pro Piacenza ee ka ciyaarta horaalka heerka Sadexaad ee talyaaniga ayaa waxaa 20-gool iyo eber uga adkaatay kooxda ay xifaaltamaan ee Cuneo, waxa ayna ciyaartay noqotay mid ka yaabisay dadka xiiseeya kubada cagta.

Ciyaartan layaabka laheyd ayaa qeybtii hore kusoo dhmaatay 16-gool iyo eber, waxaana qeybta labaad ciyaarta ku darsatay kooxda Cuneo afar gool oo kale ,iyadoona ugu dambeyn ciyaarta ku dhamaatay 20-gool iyo eber.

Goolashan tirda badan ee laga dhaliyay kooxda Pro Piacenza ayaa 11-kamid ah waxaa dhaliyay labo ciyaartoy halka sagaalka gool kale ay dhaliyeen ciyaartoy kale oo katirsan kooxda guushan weyn gaartay.

Kooxda Pro Piacenza ee sida arxan darada ah loo xasuuqay ayaa hadda ku jirta meesha ugu hoosaysa horyaalka heerka saddexaad ee Talyaaniga,  waxaana kooxdan haysta mashaakil dhaqaale oo aad u xoogan.

Inta badan ciyaartoydii safka hore ee kooxdan ayaa isaga tagay kooxda kadib markii mudo dhowr bil ah ka waayeen wax mushaar ah, waxaana kooxdan horey ganaax ahaan looga jaray 8-dhibcood.

Kooxdan la xasuuqay ayaa sidoo kale aheyd bilaa tababaro, waxaana macalin iyo kabtanka kooxda isku ahaa ciyaaryahan 18-sano jir ah, waxaana kooxdan kulanka la xasuuqay ay saftay ciyaartoy da’dooda aad u yareyd.

Gudoomiyaha Guddiga Kubadda Cagta Talyaaniga Gabriele Gravina ayaa ciyaartii lagu xasuuqay Kooxda Pro Piacenza ku tilmaamay mid ceyb iyo niyad jab ah, waxa uuna xusay in ay ka fiirsan doonaan in tan oo kale dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -