Doorashada kursi ka mid ah Baarlamanka Somalia oo ka dhaceysa Kismaayo

Waxaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ay Khamiista Beri ah ka dhacdo doorashada kursi ka mid ah aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Kursigan ayaa waxaa ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Wasiirkii Howlaha guud iyo guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji, musharixiin fara badan ayaana u tartamaya.

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo shalay gaartay Kismaayo ayaa shaacisay in doorashadaas ay beri ka dhaceyso Kismaayo.

Waxay sheegtay in maaanta ay sameynayan iskudaba-ridka doorashadaas iyo sidii loo hubin lahaa Ergada wax dooraneyso, sidoo kalena ay ka fikirayaan dhanka Ammaanka.

Ergada wax dooraneysa iyo sidoo kale musharixiinta Kursigaas oo uu ka mid yahay Walaalka Marxuum Cabaas Siraaji oo lagu Magacaabo Maxamuud Siraaji ayaa ku sugan Kismaayo.

Guddiga doorashooyinka ayaa qorsheynaya in ay dhameystiraan doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka oo ay ka harsan tahay Saddex Kursi.

Dhawaan ayey aheyd markii doorasho kursi ka mid ah Golaha Shacabka ay ku qabteen Jowhar taasoo uu ku guuleystay Nuur Iidow Beyle oo ka guuleystay taliyihii hore ee Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo mar labaad u tartamayey kursigaas, loolan adagna u galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -