Duqa Muqdisho oo qarka u saarmay in uu is casilo iyo Siyaasiyiin Niyada u dejisay

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa xiligan wajahaya cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanaya dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii dhagaha ka fureestay amaro uga yimid Xafiiska Madaxweynaha.

War Saxaafadeed shalay kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaalada uga sii dartay kadib markii qoraalkaasi lagu cadeeyay dhulal danta guud oo dowladu leedahay in la iibsaday qaarkoodna ganacsato la siiyay.

Dhulalka la iibsaday iyo la bixiyay ayaa la sheegay in uu masuul ka ahaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Macxamed, waxaana dhulalka buuqa dhaliyay lacagta badana lagu qaatay kamid ah Barxada Ceel Gaabta oo shirkad laga iibsaday.

Sida aan Wararka ku helay Warsaxaafadeedka Madaxweynaha oo si gaar ah toosh ugu ifinesay Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhalisay buuq siyaasadeed, waxaana jahwareer siyaasadeed iyo fashil uu soo wajahay Gudoomiyaha gobolka.

Duqa Muqdisho ayaa qarka u fuulay in xilka uu iska casilo, waxa uuna xalay kulan la qaatay Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Mudulood, Siyaasiyiin iyo Waxgarad kuwaa uu kala hadlay sidii ay arintiisa u gali lahaayeen una difaaci lahaayeen.

Taabit ayaa xubnahan u sheegay in uu diyaar u yahay in uu xilka iska casilo kahor inta aan laga qaadiin, hasa ahaatee xubnahan ayaa ka diiday in uu sidaas sameeyo waxa ayna u balan qaadeen in kursiga ku difaacayaan intii karaankooda ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa markii dambe lagu qanciyay in uusan is casilin uuna is dajiyo, waxa ayna u sheegeen Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta uu la kulmay in Madaxtooyada kala hadlayaan arintiisa .

Taabit ayaa ku andacoonaya in aan lagu heysan dhulka danta guud uu iibsaday balse loo heesto shirka 28-ka bishan ka furmaya magaalada Muqdisho ee la doonayo in magaalada Muqdisho maqaamkeeda looga doodo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan mudooyinkan dambe la dhacsaneyn habka uu wax u wado Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed , waxaana hada muuqanaya in khilaaf xoogan Duqa Muqdisho kala dhaxeeyo Madaxda dalka ugu sareysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -