Banaan baxyo rabshada wata oo dib uga curtay Itoobiya iyo Mareykanka oo ka walaacsan

Gobolo kamid ah dalka Itoobiya waxaa mar kale dib uga bilowday banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo dowlada, waxaaba banaan baxyadan lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Banaan baxyada xoogooda ayaa ka dhacay labo gobol oo kamid ah dalka Itoobiya kuna xoogan yihiin Mucaaradka, waxaana la xiray wadooyin kuyaala goboladaasi waxaa sidoo kale xirmay ganacsigii halkaasi ka jiray.

Ciidamada Itoobiya ayaa awood u adeegsaday dadka banaan baxyada dhigayay, waxaana la sheegay in dad ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada u adeegsadeen  dadka dhigayay banaan baxyada.

Dowlada Mareykanka ayaa ka walaacsan banaan baxada rabshadaha waa ee dib uga curtay gobolo kamid ah dalka Itooviya, waxa ayna ku baaqday dowlada Mareykanka in xaalada la dajiyo.

Mareykanka ayaa ka codsada dowlada Itoobiya in aan awood loo adeegsadan dadka baan baxayaxa , waxa ay sidoo kale dalbatay in dowlada sii deyso siyaasiyinta iyo Wariyaasha loo xiray dibad baxyadii iyo rabshadhiihii horey uga dhacay Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -