Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Aqalka sare iyo Gudoomiye Cirro oo…

Magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ka socota qaban qaabada doorashada Xildhibaanada aqalka sare ku matalaya Dowlad goboleedka Jubbaland kuwaa oo lagu wado in dhawaan lagu doorto.

Guddiga hirgalinta doorashada heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa horey u shaaciyay in doorashada Xildhibaanada aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo ah 25-ka bishan oo ku beegan beri oo axad ah./

Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha GHDHF mudane Maxamed Hassan Maxamed Cirro ayaa maanta safar shaqo ugu baxay magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland.

Gudoomiye Cirro iyo xubnaha la socda ayaa Safarkooda magaalada Kismaayo la xidhiidha dardar gelinta doorashada Aqalka Sare oo dhawaan ka bilaabmi doonta dowlad goboleed ka Jubaland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaan wali guddiga doorashada usoo gudbin liiska musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka sare ee laga soo dooranayo deegaanada Jubbaland.

Doorashada aqalka sare oo horey loo qorsheeyay in 25-ka bishan ka bilaabato dowlad goboleedyada dalka ayaa u muuqata mid aan ku qabsoomi doonin waqtigii loo qorsheeyay, waxaana suurto gal ah in maalmo dib uga dhacdo waqtigii loo qorsheeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -