Sidee dadka Soomaalidu uga falceliyeen go’aankii ka soo baxay dowlada Kenya..?!

Soomaalida ku dhaqan gudaha iyo dibeda ayaa si isku mid ah uga falceliyey go’aankii aadka loola fajacay ee xalay ka soo baxay dowlada Kenya oo ku amartay safiirkii Somalia u fadhiyey Nairobi inuu dalkeeda ka baxo, iyadoo dhinaca kale u yeeratay danjireedii joogay Muqqdisho.

Kenya ayaa sheegtay iney talaabadan kaga jawaabeyso dowlada Soomaaliya oo shirkii magaalada London ku soo bandhigtay ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduud badeedka ee lagu muransan yahay taasoo ay sheegtay iney tahay xad gudub qaawan.

Go’aankan qar iska tuurnimada ah ee Kenya ay gaartay ayaa dadka Soomaaliyeed waxay u arkeen in Kenya ay is laheysiineyso dhul badeedka lagu muransan yahay taasoo keentay iney si isku mid ah uga falceliyaan, iyagoo garab taag u muujiyey dowladooda, waxayna sidoo kale arrintan mideysay Mucaarad iyo Muxaafid.

Baraha bulshada iyo meelaha kale ee dadku kulmaan ayaa xalay illaa maanta waxaa si weyn looga hadal hayaa go’aanka ka soo baxay Kenya oo dadku ay ka qabaan fikrado isku dhow.

Soomaalida inteeda badan ayaa aaminsan in Kenya ay arrintan uga gol leedahay inay Soomaaliya ku cadaadiso in murankii badda ee labada dal u dhaxeeya wada hadal hoose laga furo

Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ ayuu hor yaallaa kiis ku saabsan arrintaas, taasoo la filayo iney go’aan kama dambeys ah kasoo saarto cidda sida saxda ah u leh dhul biyood kaas, Balse dadka qaar waxay qabaan in Kenya aysan rajo sidaas u sii weyn ka qabin iney guul kasoo hoyiso kiiskaas, iyadoo taas baddalkeedana dooneysay in wada xaajood hoose ay furaan labada dowladood.

Soomaalida qaarkeed ayaa soo jeedinaya in Kenya aan looga harin talaabada ay qaaday, iyagoo dowlada u soo jeediyey iney jarto xiriirka ganacsi iyo duulimaadyada u kala goosha labada dal,lana joojiyo qaadka Kenya ay maalin walba soo geliso dalka.

Hase ahaatee dad kale ayaa qaba in bahasha cagaha loo dhigo, lagana daayo mindi mindi ku taagta, intaan talaabo kale la qaadina Kenya lagu qanciyo iney ku kalsoonaato Maxkamada cadaalada ee ICJ ee qaadeysa dacwada labada dal.

Dowlada Somalia ayaa looga fadhiyaa iney saacadaha soo socda war buuxa ka soo saarto mowqifkeeda ku aadan go’aanka ka soo baxay dowlada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -