Muran cusub oo ka dhashay xil ka xayuubintii lagu sameeyey Taliye C/xakiin Yuusuf Xuseen

Muran iyo khilaaf ayaa ka dhashay xilka qaadis  Guddiga Amniga Gobolka Bari ee Maamulka Puntland uu 8-dii February ku sameeyey C/xakiin Yuusuf Xuseen oo ahaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Bari.

Guddiga ayaa sheegay sababta arrintan ay u sameeyeen in ay tahay kadib markii ay xil gudasho la’aan ku arkeen Taliyaha, lixdii bilood ee la soo dhaafayna uusan wada shaqeyn wanaagsan la lahayn maamulka.

Xubnaha Guddiga amniga ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka Dekadaha Siciid Maxamed Raage, Taliyaha Asluubta Gen. Cali Nuur Cumar, Gudoomiyaha Gobolka Barri Yuusuf Maxamed wacay (Dhedo) iyo Gudoomiyaha degmada Bosaso Yaasin Mirre.

Markii warqadaas ay soo baxday ayaa waxaa ka hadlay Taliye C/xakiin Yuusuf Xuseen oo sheegay in Guddiga Amniga aysan xilka qaadis ku sameyn Karin isaga, wuxuuna tilmaamay in shaqadiisa uu wadanayo, ilaa uu helo amarka Madaxda sare.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed C/lkaahi Yuusuf oo maanta tagay magaalada Boosaaso, sidoo kalena warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ujeedka ay u yimaadeen magaalada Boosaaso inuu yahay in arrintan ay baaris ku sameeyaan.

Wuxuu sheegay Wasiirka Amniga arrintan go’aankeeda ugu dambeeya in warbaahinta ay la wadaagi doonaan, balse hada ay wadaan baaris, wuxuu soo hadal qaaday xaalada amni ee Boosaaso, wuxuuna sheegay in Ciidamada ay kordhinayaan Howlgalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

 

- Advertisement -