Wasaarado kale oo qorshe howleedkooda u gudbiyay Raisul Wasaare Xamse (Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre waxa uu galabta ka guddoomay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daud Aweys Jaamac, ballan-qaadka qorshe howleedka wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda in laga mira dhaliyo qorshooyinka & halbeegyada wasaaradda,

Waxaa uu dhinaca kale ku boorriyay madaxda in la xoojiyo wadashaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo la taaban karo looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda DanQaran.

Waxaa si dardar leh ku socda gudbinta qorshe hawleedka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran, oo lagu jaangoynayo Barnaamijka Xukuumadda ee Sanadka 2023, Qorshaha Qaranka iyo aragtida Madaxweynaha.

Dhowr ka mid ah Wasaaradaha Xukuumada ayaa todobaadyadii la soo dhaafay qorshe howleedkooda u gudbiyey  Raisul Wasaaradaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -