Wasiirka Maaliyada oo si kulul uga hadlay kaalinta Somalia ka gashay Musuqmaasuqa

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya,  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hay’adaha caalamka ay hadda u ololeynayaan sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, taasoo ku timid hagaajinta Maamulka Maaliyadda Dalka.

Warbixin dhawaan la soo saaray oo la xiriirtay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka ayuu soo hadal qaaday Wasiirku, wuxuuna ku tilmaamay aragti qaldan oo laga badbadiyay.

“Musuq maasuqa xagga hoose yaan ku jirnaa Soomaalidu waxay tiraahda Been fakatay run ma gaarto waa aragti qaldan, waan ku dabajirnaa laakiin waxaan doonaynaa in dadka Adduunyada aan u sheegno inaanan sidii hore ahayn ee ay wax waliba is-beddaleen” ayuu yir wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in wasaaradda Maaliyaddu sameysay website lagala socda oo laga heli karo xogta maaliyadeed ee Soomaaliya marwalba lagu daabaco warbixinnada ugu dambeeya.

“Waxyaabaha la innoo siinayay halka hoose waa inaanay naga soo bixi jirin warbixinnada loo baahnaa markaas baa la oranayay halkii hore siiya, taasina waa arrin aan ka dagaallamayno iminka” ayuu yirri wasiirka Maaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -