Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu laayay Ciidamo katirsan Ilaalada Kacaanka Iran

Qarax ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday baabuur ay la socdeen ciidamo katirsan Ilaalada kacaanka Iiraan, waxaana weerarkan ismiidaaminta ah ka dhashay khasaaro xoogan oo ciidanka soo gaaray.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ismiidaaminta waxaa ku dhintay 27-kamid ah ciidanka ilaalada Kacaaanka Iiraan, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay ciidamo kale oo badan kuwaa oo xaaladooda lala tacaalayo.

Ciidamada qaraxa lagu laayay ayaa marayay gobolka Sistan-Baluchestan oo u dhaw xadka Iiraan uu la wadaago Pakistan, waxaana ciidankan xiliga la weerarayay kasoo laabteen deegaan ku dhaw xadka Pakistan.

Koox lagu magacaabo Jeysh al Cadl ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan lagu laayay ciidanka Pakistan, waxaana kooxdan u dagaalantaa dadka Suniyiinta laga tirada badan yahay ee ku sugan dalka Iiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo kulan xasaasi ah iskugu yeeray Saraakiisha amniga Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsato Soomaali ah oo xalay loo geystay dil, dhaawac iyo boob

Caydiid Ali

Qalbi-dhagax:”Kooxda Farmaajo waxay isku dayeen iney joojiyaan safarkeyga Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---